10-ka Goolhaye Ee Ugu Fiican Premier League Waqti Xaadir Kaan

Shabakadda Gradient Sports ayaa soo saartay qiimeynta goolhayayaasha ugu fiican horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, iyadoo la eegayo xirfadda goolhayaha iyo saamaynta uu ku yeesho natiijooyinka kooxdiisa haddii uu saftay ugu yaraan saddex kulan.

Goolhayaha kooxda Arsenal, David Raya, ayaa hoggaaminaya liiskan ka dib markii uu halkiisii ka sii waday qaab-ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu xilli-ciyaareedkii hore kooxdiisa ugu hoggaamiyay horyaalka.

Raya ayaa kaalinta koowaad ku galay dhibco dhan 84.8 iyo saamaynta ugu sarreysa horyaalka oo ah 6.6, isagoo badbaadino muhiim ah sameeyay kulamadii Leeds, Forest iyo Everton.

Kaalinta labaad waxaa soo galay goolhayaha Brighton, Bart Verbruggen (78.0), kaas oo wacdaro dhigay kulamadii Sunderland, Liverpool iyo Manchester City.

Djordje Petrovic oo u ciyaara Bournemouth ayaa ku jira kaalinta saddexaad isagoo haysta dhibcaha ugu sarreeya ee badbaadinta kubbadaha (85.2), halka saxiixa cusub ee Aston Villa, Zion Suzuki (82.9), uu fadhiyo kaalinta afaraad inkastoo uu qaladaad sameeyay kulamadii Fulham iyo Man United. Shanta sare waxaa dhammaystiray Dean Henderson oo ka tirsan Crystal Palace (74.9).

Goolhayaha Chelsea, Emiliano Martinez, ayaa ku jira kaalinta lixaad (74.7), waxaana ku xiga Bernd Leno oo u ciyaara Fulham (71.5). Goolhayaha Liverpool, Alisson Becker, ayaa markii ugu horreysay xilli-ciyaareedkan soo galay 10-ka sare isagoo fadhiya kaalinta siddeedaad (69.4) ka dib bandhig cajiib ah oo uu ka sameeyay kulankii Crystal Palace, waxaana tobanka sare dhammaystiray Antonin Kinsky oo ka tirsan Tottenham (68.9) iyo Caoimhin Kelleher oo u ciyaara Brentford (67.6).

Dhanka kale, goolhayaha Manchester United, Senne Lammens, ayaa ka baxay 10-ka sare isagoo u dhacay kaalinta 14-aad (63.0) sababo la xiriira daafaca liita ee kooxdiisa, halka goolhayaha Manchester City, Gianluigi Donnarumma, uu ku jiro kaalinta 19-aad (58.0).

Liiska oo dhammaystiran (Kaalmaha 1-aad ilaa 22-aad):

  1.   David Raya (Arsenal) – Grade: 84.8, Impact: 6.6
  2. Bart Verbruggen (Brighton) – Grade: 78.0, Impact: 6.4
  3. Djordje Petrovic (Bournemouth) – Grade: 85.2, Impact: 5.9
  4. Zion Suzuki (Aston Villa) – Grade: 82.9, Impact: 5.7
  5. Dean Henderson (Crystal Palace) – Grade: 74.9, Impact: 5.5
  6. Emiliano Martinez (Chelsea) – Grade: 74.7, Impact: 5.7
  7. Bernd Leno (Fulham) – Grade: 71.5, Impact: 5.8
  8. Alisson (Liverpool) – Grade: 69.4, Impact: 5.9
  9. Antonin Kinsky (Tottenham Hotspur) – Grade: 68.9, Impact: 5.9
  10. Caoimhin Kelleher (Brentford) – Grade: 67.6, Impact: 5.9
  11. Matz Sels (Nottingham Forest) – Grade: 66.0, Impact: 5.4
  12. James Trafford (Leeds United) – Grade: 62.1, Impact: 6.1
  13. Konstantinos Tzolakis (Hull City) – Grade: 53.3, Impact: 6.2
  14. Senne Lammens (Manchester United) – Grade: 63.0, Impact: 5.3
  15. Jordan Pickford (Everton) – Grade: 59.4, Impact: 6.0
  16. Lukas Hornicek (Newcastle United) – Grade: 62.9, Impact: 5.6
  17. Walter Benitez (Crystal Palace) – Grade: 62.0, Impact: 5.6
  18. Robin Roefs (Sunderland) – Grade: 59.0, Impact: 5.7
  19. Gianluigi Donnarumma (Manchester City) – Grade: 58.0, Impact: 5.6
  20. Carl Rushworth (Coventry City) – Grade: 54.3, Impact: 5.5
  21. Kjell Scherpen (Ipswich Town) – Grade: 51.1, Impact: 5.4
  22. Christian Walton (Ipswich Town) – Grade: 53.4, Impact: 5.3

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular