Gerrard Oo Daaha Ka Rogay Hal Wax Uu Lamine Yamal Kaga Duwan Yahay Messi Iyo Ronaldo

Halyeeyga kooxda Liverpool, Steven Gerrard, ayaa xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ka hormariyay halyeeyada kubadda cagta ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Gerrard ayaa ku adkeystay in Yamal uu haatan ka horumarsan yahay sidii ay ahaayeen Messi iyo Ronaldo markii ay ku jireen da’diisa oo kale.

Xiddigan heerka caalami ee reer Spain ayaa soo bandhigay wacdaro cajiib ah tan iyo markii uu u soo dallacay kooxda koowaad ee Barcelona sanadkii 2023. Laacibkan 19 jirka ah ayaa aad ugu dhawaaday ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or labadii sano ee la soo dhaafay, inkastoo ay ku garaaceen abaalmarinta Ousmane Dembélé iyo Harry Kane.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Daily ayuu Gerrard yiri: “Marka loo eego hibada iyo mustaqbalka uu leeyahay, Yamal wuxuu garoonka ku dhex sameeyaa waxyaabo aanan waligay ku arag ciyaaryahan 19 jir ah oo sidiisoo kale.”

Kabtankii hore ee Liverpool oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay: “Wuxuu ka horumarsan yahay sidii uu Ronaldo ahaa markii uu jiray 19 sano. Waxaan ka hor ciyaaray Messi isagoo aad u da’ yar, waxaana dhici karta in Yamal uu isagana ka horumarsan yahay sidii uu xilligaas ahaa.”

Messi ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Barcelona sanadkii 2004 isagoo 17 jir ah, halka Ronaldo markii uu 19 jirka ahaa uu ciyaaryahan joogto ah ka ahaa safka koowaad ee kooxda Manchester United.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular