Kombuyuutarka wax saadaaliya ee Opta SuperComputer ayaa soo saaray saadaashiisa ku aaddan kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League iyo boosaska loogu soo baxo tartanka Champions League, ka hor fasaxa xulalka qaranka ee bisha Nofeembar.
Kooxda Arsenal oo haatan shan dhibcood oo nadiif ah ku hoggaaminaysa kala-sarreynta horyaalka, ayaa la siiyay fursad aad u weyn oo gaaraysa 74.76% inay mar kale kor u qaaddo koobka. Gunners ayaa xilli-ciyaareedkii hore soo afjartay 22 sano oo ay sugaysay horyaalka, ka dib markii ay koobka ku garaacday kooxda Manchester City ee uu hoggaamiyo Pep Guardiola.
Inkastoo Manchester City ay haatan lix dhibcood ka dambeyso Arsenal, haddana Opta waxay siisay fursad dhan 13.81% inay noqdaan horyaalka xilli-ciyaareedkan.
Kooxda Brighton oo ku jirta kaalinta labaad ka dib billow cajiib ah oo ay samaysay xilli-ciyaareedkan, ayaa la siiyay fursad gaaraysa 7.17% inay ku guuleysato koobka.
Shanta kooxood ee ugu sarreeya saadaasha loogu jiro hanashada horyaalka iyo boosaska Champions League ayaa waxaa dhammaystiray kooxaha Liverpool oo la siiyay fursad dhan 2.41%, iyo Chelsea oo haysata fursad aad u yar oo gaaraysa 0.65%.