Liverpool Oo Durba Calaamad-satay Goolhayaha Ay Ku Beddelayso Alisson Becker

Kooxda Liverpool ayaa bilowday qorshaynta mustaqbalka booska goolhayaha kooxdeeda, maadaama qandaraaska xiddiga reer Brazil ee Alisson Becker uu ku eg-yahay sanadka 2027. Goolhayaha reer Netherlands iyo kooxda Brighton, Bart Verbruggen, ayaa loo aqoonsaday inuu yahay mid ka mid ah musharraxiinta ugu horreeya ee lagu beddeli karo Alisson.

Shabakadda TEAMtalk ayaa ku warrantay in kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ay si dhow isha ugu hayaan goolhayahan 24 jirka ah ka dib bandhiggiisa cajiibka ah ee xilli-ciyaareedkan, inkastoo uu heshiis kula jiro Brighton ilaa sanadka 2028.

Verbruggen ayaan xiiso ka helayn oo keliya kooxaha Chelsea iyo Manchester United, balse kooxda Bayern Munich ayaa iyaduna horey wax uga weydiisay xaaladdiisa. Dhanka kale, Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa suurtagalnimada ay kula soo wareegi karto si uu u noqdo beddelka mustaqbalka ee Thibaut Courtois.

Inkastoo ay sii kordhayso xiisaha loo qabo, goolhayahan ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa haatan, wuxuuna yiri: “Ma ogi waxa dhici doona mustaqbalka, cid ogna ma jirto. Waxa keliya ee aan ogahay waa inaan haatan aad ugu faraxsanahay Brighton.”

Uma badna in Brighton ay ogolaato bixitaankiisa suuqa bisha Janaayo, maadaama qandaraaskiisa dheer uu kooxda siinayo awood ay ku xajisan karto, waxaana loo badinayaa in mustaqbalkiisa laga wada hadlo xagaaga 2027.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular