Halyeeyga kooxda Manchester United, Paul Scholes, ayaa si kulul u dhaliilay ciyaartoyda kooxdaas, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan socodka ceebta ah ee ay garoonka ku wareegaan si ay ugu sacabbiyaan taageerayaasha kulan kasta ka dib.
United ayaa ku jirta kaalinta 18-aad ee horyaalka Premier League ka dib markii ay badisay hal kulan oo keliya tobankii ciyaarood ee ay dheeshay xilli-ciyaareedkan. Ciyaartoyda iyo tababare Michael Carrick ayaa garoonka ku wareegay si ay taageerayaasha ugu mahadceliyaan ka dib guul-darradii 3-0 ahayd ee Bournemouth iyo barbarrihii 4-4 ahaa ee ay Axaddii la galeen Aston Villa.
Scholes oo ka hadlayay barnaamijka The Good, The Bad & The Football ayaa yiri: ” hal mid ayaan idiin sheegayaa inay tahay inay sameeyaan: ha joojiyaan wareeggan ay garoonka ku samaynayaan ciyaar kasta ka dib. Waa wax aad u xun oo lagu xishoodo. Kulan walba waxaad mooddaa inuu yahay kii ugu dambeeyay xilli-ciyaareedka, ee isaga baxa garoonka!”
Khadkii dhexe ee hore ee United, Nicky Butt, ayaa isna ku raacay oo sheegay in fal-celintaas barbarraha ka dib ay aad uga caraysiisay.
Dhanka kale, Gary Neville ayaa ammaanay dagaalkii ay muujiyeen ciyaartoydu kulankii Villa, balse wuxuu ku tilmaamay wareegga garoonka mid xanuun badan oo ciyaartoyda u keenaya dhaawac nafsiyan ah, maadaama kooxdu ay ku jirto xaalad aad u liidata. Maamulka sare ee kooxda ayaa haatan qiimeyn ku haya mustaqbalka tababare Carrick inta lagu jiro fasaxa xulalka qaranka.