“Isagaa Waali Doona” :- Rio Ferdinand Oo Magacaabay Hal Xiddig Oo Dhibaato Ku Abuuri Doona Arteta Xilli Ciyaareed Kaan

Halyeeyga kooxda Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in soo laabashada daafaca William Saliba ay madax-xanuun iyo dhibaato weyn ku abuuri doonto tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta.

Arteta ayaa xagaagii la soo dhaafay kooxda Aston Villa ka soo iibsaday Ezri Konsa. Ciyaaryahankan cusub ayaa soo bandhigay wacdaro cajiib ah intii uu maqnaa Saliba, isagoo si weyn u buuxiyay booskiisa.

Saliba ayaan weli wax kulan ah u ciyaarin kooxda Gunners xilli-ciyaareedkan, balse wuxuu haatan aad ugu dhow yahay inuu ka soo laabto dhaawac dheer oo uu la maqnaa. Daafacan reer France ayaa toddobaadkii hore lagu daray liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Slavia Prague.

Ferdinand oo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube-ka ayaa yiri: “Mikel Arteta waxaa haysata dhibaato, waxaa haatan haysata dhibaato aad u weyn. Muxuu samayn doonaa marka uu William Saliba taam noqdo?”

Isagoo sii ammaanaya bandhigga daafaca cusub ayuu raaciyay: “Ezri Konsa wuxuu soo galay afarta daafac ee kooxda, wuxuuna u muuqdaa sidii qof halkaas joogay muddo toban sano ah. Wuxuu u muuqdaa ciyaaryahan aan marnaba laga saari karin shaxda kooxdaas, waayo si fudud ayuu ku soo galay uuna ku xirtay booskaas. Wuxuu u muuqdaa mid awood badan, dhiirran, isla markaana si fiican ula qabsaday xirashada maaliyadda Arsenal.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular