Sababta Dhabta Ah Uu Cristiano Ronaldo Uga Fariistay Xulka Portugal Oo Bannaanka Loo Soo Saaray

Cristiano Ronaldo ayaa go’aansaday inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii uu waayay raalligelin fagaare ah oo uu ka dalbaday tababaraha xulka qaranka Portugal, Jorge Jesus, sida uu shaaca ka qaaday khabiirka kubadda cagta ee reer Portugal, Pedro Sepúlveda.

Sepúlveda oo la hadlayay idaacadda talkSPORT ayaa sheegay in tababare Jesus iyo madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Portugal, Pedro Proença, ay maalmihii ka horreeyay ku dhawaaqista go’aanka Ronaldo ku bixiyeen dadaal xooggan sidii ay 41 jirkan ugu qancin lahaayeen inuu ka laabto go’aankiisa.

Ronaldo ayaa Khamiistii la soo dhaafay muuqaal uu soo dhigay barihiisa bulshada ku xaqiijiyay inuu ka fariistay xulka qaranka, isagoo wareejiyay funaanadda lambarka 7-aad ka dib markii uu saftay 234 kulan isla markaana uu dhaliyay 146 gool oo ah rikoodhka ugu sarreeya ee gool-dhalinta xulalka qaranka ee ragga. Khilaafka labada dhinac ayaa soo jiitamayay tan iyo fasaxyadii xulalka ee bilihii Sebteembar iyo Oktoobar.

“Si daacad ah markii loo hadlo, Ronaldo wuxuu doonayay raalligelin fagaare ah oo uu ka helo Jorge Jesus, halka Jesus uu xaqiijiyay inuusan waligiis raalligelin siin doonin ciyaaryahan kasta,” ayuu yiri Sepúlveda.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday: “Ronaldo wax buu rabaa, Jesus-na wuxuu cadeeyay inuusan siin doonin waxaas. Sidaas darteed, waqtigii Cristiano ee xulka qaranka Portugal ee hoos imaanayay maamulka Jesus halkaas ayuu si rasmi ah ugu soo idlaaday.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular