Declan Rice Oo Sharraxay Sababta Uu Isaga Baxay Baraha Bulshada

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Declan Rice, ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga baxay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) saddex sano ka hor, sababo la xiriira faallooyinka xun-xun ee lagu qoro bartaas oo saamayn ku yeeshay caafimaadkiisa maskaxeed.

Xiddigan ayaa go’aankan kaga hadlay waraysi uu siiyay majaladda British GQ, ka dib markii lagu daray liiska Raggii ugu Wanaagsanaa Sanadka (Men of the Year).

“Dib uguma aanan laaban bartaas tan iyo markaas,” ayuu yiri Rice. “Waxaa laga yaabaa inaad subax wanaagsan ku jirto, ka dibna aad akhrido hal qoraal oo keliya, kaas oo kaa xumeynaya maalintaada oo dhan.”

Rice iyo saaxiibtiis, Lauren Fryer, ayaa horey ula kulmay xadgudubyo dhanka baraha bulshada ah, oo ay ku jiraan faallooyin wax looga sheegayo muuqaalkeeda.

27 jirkan ayaa sidoo kale ka digay saamaynta xun ee baraha bulshadu ay ku leeyihiin carruurta, isagoo ku tilmaamay inay tahay dhibaato aad u weyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular