Maxay Tahay Sababta Ka Dambeysa In Dib Loo Dhigo Go’aanka Lagu Ceyrinayo Carrick?

Maamulka kooxda Manchester United uma badna inay shaqada ka cayriyaan tababare Michael Carrick inta lagu jiro fasaxa xulalka qaranka, maadaama mulkiilayaasha INEOS ay ka warqabaan taageerada uu weli ka haysto taageerayaasha iyo ciyaartoyda qolka labiska, sida uu sheegay wariyaha The Athletic ee Laurie Whitwell.

Carrick ayaa la siiyay saddex kulan inuu wax kaga beddelo natiijooyinka kooxda ka dib guul-darradii bahdilaadda ahayd ee 3-0 ee ka soo gaartay Bournemouth, balse United ayaa guul-darro kala kulantay Chelsea ka hor inta aysan ka badin Roma isla markaana barbarro 4-4 ah la gelin Aston Villa.

Whitwell oo ka hadlayay barnaamijka Talk of The Devils ayaa sheegay in soo-laabashadii cajiibka ahayd ee ay kooxdu ka samaysay kulankii Villa ay yareysay saan-saantii go’aanka ceyrinta Carrick.

“Waxay rabeen inay Carrick siiyaan waqti uu natiijooyinka dhanka kale ugu rogo iyagoo aan xaddidin muddada. Ka dib waxaan ogaannay inay ku xirnayd fasaxa xulalka qaranka oo haatan la joogo, waxaana socota dib-u-qiimeyn,” ayuu yiri wariyuhu.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan caawa sameeyay dhowr wicitaan, jawiguna uma muuqdo mid kulul… qaabkii ay wax u dhaceen dhammaadkii ciyaartii Villa iyo labadii gool ee waqtigii dhimashada ayaa meesha ka saaray degdeggii lagu gaari lahaa go’aankaas oo kale. Uma maleynayo in xaaladdu isbeddelayso, mana filayo in Michael Carrick uu shaqadiisa waayi doono xilligan aan hadlayno.”

Manchester United ayaa weli fadhida kaalinta 18-aad ee horyaalka Premier League iyadoo leh siddeed dhibcood 10 kulan ka dib, waxaana la filayaa in maamulka sare ee kooxdu ay dib u qiimeeyaan xaaladda Carrick.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular