Lamine Yamal Oo Mar Kale Jebiyay Rikoodh Waalli Ah Oo Sannado Badan Taagnaa

Xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, ayaa mar kale magaciisa ku qoray taariikhda kubadda cagta Spain kadib bandhiggiisii kulankii Atletico Madrid.

Yamal ayaa caawiyay goolkii guusha ee Barcelona, taasoo ka dhigtay ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda horyaalka La Liga ee gaaray 40 caawin ka hor inta uusan 22 sano jirsan.

Khabiirka xogta iyo tirakoobka kubadda cagta, MisterChip, ayaa shaaciyay heerka ay gaarsiisan tahay guushan taariikhiga ah. Yamal ayaa 40-ka caawin ku gaaray isagoo jira 19 sano iyo 118 maalmood, wuxuuna rikoor hore oo horyaalka ah ku jabiyay farqi ku dhow saddex sano.

Liiska ciyaartoydii ugu da’da yaraa ee gaaray 40 caawin taariikhda La Liga ayaa muujinaya sida uu Yamal uga hormaray xiddigihii ka horreeyay:

  1.  Lamine Yamal: 19 sano iyo 118 maalmood
  2. López Ufarte: 22 sano iyo 15 maalmood
  3. Adrián Escudero: 22 sano iyo 349 maalmood
  4. SeguÍ: 23 sano iyo 74 maalmood
  5. Etxeberria: 23 sano iyo 158 maalmood
  6. Lionel Messi: 23 sano iyo 158 maalmood

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular