Halyeeyga kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa si kulul u dhaliilay fashilkii kooxda ee la wareegidda daafacyo cusub xagaagii la soo dhaafay, isagoo sheegay in afartii daafac ee dhammeystay kulankii barbarraha 4-4 ahaa ee Aston Villa ay sababi doonaan in kooxdu u laabato heerka labaad (Championship).
United ayaa fasaxa xulalka qaranka ee bisha Nofeembar galaysa iyadoo fadhida kaalinta 18-aad, taas oo ah booskoodii ugu hooseeyay marxaladdan oo kale tan iyo sanadkii 1986-kii, ka dib siddeed kulan oo xiriir ah oo aysan wax guul ah ka gaarin horyaalka.
Kulankii Aston Villa, kooxda tababare Michael Carrick ayaa ciyaarta ku dhammeysatay afarta daafac ee kala ah Noussair Mazraoui, Leny Yoro, Ayden Heaven iyo Patrick Dorgu.
Neville oo ka hadlayay shabakadda NBC Sports ayaa yiri: “Sababta Manchester United looga dhaliyay afar gool waa inaysan maalgelin ku samayn daafaca suuqii kala iibsiga. Qof walba wuu ogaa inay u baahan yihiin daafacyo, kuwa haatan joogana waxay samaynayaan qaladaad joogto ah. Daafacyadii dhammeystay ciyaartaas waxay sababi doonaan inaad heerka labaad u laabataan.”
Walaalkiis Phil Neville oo isna guulo waaweyn la soo gaaray United ayaa ku raacay fikirkaas, isagoo yiri: “Afarta daafac ee ciyaarta dhammeystay; Mazraoui, Yoro, Heaven iyo Dorgu, waxay kuu horseedayaan inaad horyaalka ka harto, waxayna sababayaan in tababaraha shaqada laga cayriyo. Ma aha kuwo ku filan inay ka ciyaaraan Premier League.”
Inkastoo xaaladda kooxdu ay aad u xun tahay, haddana Gary Neville wuxuu shaki geliyay in beddelidda tababare Carrick ay xal waara u noqon doonto kooxda, isagoo tilmaamay in siddeed tababare oo la beddelay 12-kii sano ee la soo dhaafay oo ay ku jiraan Amorim, Ten Hag, Mourinho iyo Van Gaal, aysan waxba soo kordhin.
Neville ayaa dhibaatada dhabta ah dusha ka saaray maamulka sare iyo qaybta qorista ciyaartoyda, isagoo xusay in kooxda ay maamulayaan shaqsiyaad aan khibrad hore u lahayn jagooyinkaas sarsare.