Michael Carrick Oo Markii Ugu Horreysay Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In La Ceyrinayo

Tababaraha kooxda Manchester United, Michael Carrick, ayaa diiday inuu dhex galo wararka la isla dhexmarayo suuqa ee ku saabsan mustaqbalkiisa shaqada ka dib barbarrihii 4-4 ahaa ee ay la galeen Aston Villa.

United ayaa dhibic ku badbaadsatay garoonka Old Trafford ka dib markii ay laba gool dhalisay waqtigii dhimashada, balse natiijadan ayaa dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan xilli-ciyaareedkooda adag iyo booska ay kaga jiraan kala-sarreynta Premier League.

Intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, mid ka mid ah wariyayaasha ayaa u soo jeediyay in maadaama uu Carrick aad u jecel yahay kooxda, uu diyaar u noqon lahaa inuu iskiis shaqada uga tago haddii uu aamino in taas ay tahay go’aanka ugu wanaagsan.

“Taasi ma dhici doonto,” ayuu si gaaban ugu jawaabay tababaraha United.

Wariyaha ayaa markaas ka dib weydiiyay waxa uu Carrick filayo inay dhacaan toddobaadyada soo socda, isagoo xusay inay dabiici tahay in koox le’eg United ay yeelato wadahadallo ku saabsan xaaladda taagan. Carrick ayaa ku jawaabay: “Ma sidaas baa?” ka hor inta uusan wariyaha dib u weydiin haddii uu isagu filayo inay wadahadalladaas oo kale dhacaan.

Markii mar kale cadaadis lagu saaray inuu ka hadlo waxa uu filayo, 45 jirkan ayaa cadeeyay in diiraddiisu ay weli saaran tahay horumarinta kooxda iyo sidii ay natiijooyin fiican u heli lahaayeen.

“Kuma aanan guuleysan kulamo nagu filan, laakiin waxaan filayaa inaan horay u soconno oo aan sii wadno ka shaqeynta waxyaabihii aan ku howlanayn, annagoo muujinayna qaybihii badnaa ee wanaagsanaa ee ciyaartii maanta, isla markaana aan saxno qaladaadka yar-yar si aan u badinno kulamada nagu soo wajahan,” ayuu yiri Carrick.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular