Xabi Alonso Oo Farta Ku Fiiqay Ciyaaryahanka Iska Leh Mas’uuliyadda Guuldarradii Ay Chelsea Kala Kulantay Sunderland

Tababaraha kooxda Chelsea, Xabi Alonso, ayaa dhaliilay daafaciisa Levi Colwill oo uu ku eedeeyay inuu sabab u ahaa goolkii guul-darrada ay ku muteysteen ee kulankii ay Axaddii horyaalka Premier League kala kulmeen Sunderland.

Dhacdadan muranka dhalisay ayaa timid waxyar ka hor dhammaadka qaybtii hore ee ciyaarta, markii garsoore Jarred Gillett uu rigoore ku abaalmariyay Sunderland ka dib isku-dhac dhexmaray Colwill iyo weeraryahanka Brian Brobbey.

Inkastoo ay muuqatay in Brobbey uu kulleetiga funaanadda ka qabsaday Colwill ka hor inta uusan dhulka ku dhicin, haddana garsooraha ayaa ku adkeystay go’aankiisa ka dib markii lagu hubiyay Khaladka aaladda VAR, taas oo keentay in Enzo Le Fée uu si kalsooni leh shabaqa ugu hubsado rigooradaas.

Chelsea ayaa sidoo kale ka carootay rigoore loo diiday markii Cole Palmer lagu riday gudaha xerada ganaaxa ee Sunderland. Garsooraha ayaa ciyaarta sii socodsiiyay, halka saraakiisha VAR ee Nicholas Hopton iyo Wade Smith ay go’aamiyeen in qaladka lagu galay Palmer uu ka dhacay bannaanka xerada ganaaxa.

Alonso oo ciyaarta ka dib la hadlay Sky Sports ayaa halkii uu eedda dusha ka saari lahaa garsoorayaasha, wuxuu diiradda saaray mas’uuliyadda kooxdiisa iyo gaar ahaan qaabkii uu Colwill u difaacday kubaddii keentay goolka guusha ee Sunderland.

“Ma aanan arkin dhacdadii Cole, balse waxaa jirtay fursad lagu bixin karay rigoore,” ayuu yiri Alonso. Isagoo ka hadlaya rigooradii uu galay Colwill ayuu Alonso yiri “Midda kale, waxaan u maleynayaa inay ahayd xaalad uu si ka wanaagsan u difaacan karay. Waa qaladkeenna.”

Macallinka reer Spain ayaa mar kale qiray in kooxdiisu ay ku dhibtootay jebinta daafaca adag ee Sunderland, isagoo xusay inay ka maqnaayeen xawaarihii, dulqaadkii iyo hal-abuurkii looga baahnaa inay ku abuuraan fursado gool lagu dhalin karo, taas oo keentay inaysan xitaa u dhowaan shabaqa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular