Christos Tzolis Oo Kashifay Ciyaaryahanka U Fududeeyay Inuu La Qabsado Arsenal

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Christos Tzolis ayaa shaaca ka qaaday sidii uu Cristhian Mosquera uga caawiyay inuu la qabsado kooxda, ka dib markii uu xagaagii heshiis 34 milyan oo gini ah kaga soo wareegay naadiga Club Brugge.

Xiddigan reer Giriig oo si lama filaan ah ku yimid magaalada London ayaa la filayay inuu buuxiyo boosaskii ay banneeyeen Leandro Trossard iyo Gabriel Martinelli. Inkastoo uu Tzolis wacdaro dhigay kulamadii saaxiibtinimo ee diyaar-garowga xilli-ciyaareedka, haddana weli wax gool ah uma uusan dhalin Gunners kulan rasmi ah.

Laacibkan 24 jirka ah oo ka hadlayay sida uu ula qabsaday nolosha Arsenal ayaa xusay in dhowr ciyaaryahan oo ay isku koox yihiin ay bilowgiiba caawiyeen, balse Mosquera uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la xiriira.

Tzolis ayaa yiri: “Waxaa jira ciyaartoy badan oo runtii isku dayay inay ila hadlaan oo ay i caawiyaan tan iyo bilowgii. Waxaan filayaa in Cristhian Mosquera uu ahaa qofkii ugu horreeyay. Waxaan bilownay inaan wada sheekeysanno intii lagu jiray kulamadii diyaar-garowga xilli-ciyaareedka. Da’ ahaan sidoo kale wuu ii dhow yahay, marka waxaan dhihi karaa waa Mosquera.”

Sidoo kale, Tzolis ayaa ka warbixiyay khibraddiisa ku aaddan u soo guurista magaalada London isagoo ka yimid Brugge, wuxuuna qiray in baaxadda caasimadda Ingiriiska ay ku noqotay isbeddel weyn.

Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray: “Waa magaalo cajiib ah oo aad u weyn, waxyaabo badan ayaadna ku qaban kartaa. Wax walba way ii fududaadeen, sababtoo ah waxaa i garab istaagay saaxiibbadayda kooxda, waxayna iga caawiyeen inaan si degdeg ah uga mid noqdo kooxda.

Sidoo kale, waqti ayaan ku qaadannaa waxyaabaha ka baxsan kubadda cagta marka aan fursad helno, inkastoo jadwalkeennu uu aad u adag yahay oo kulamadu badan yihiin. Sidaas darteed ma sahlana in la helo waqti ka baxsan kubadda cagta, laakiin waan ku raaxaysanayaa. Waxaa sidoo kale halkan ku nool jaaliyad weyn oo reer Giriig ah, marka waxaan la kulmaa dad dalkayga u dhashay, ilaa haddana wax walba si fiican ayay u socdaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular