Halyeeyga kubadda cagta Ingiriiska ee Gary Lineker ayaa dhaliilay go’aankii uu Andoni Iraola, weeraryahan dhexe ugaga ciyaarsiiyay Bradley Barcola kulankii Champions League ee ay guul-darrada lama filaanka ah ee 3-2 kala kulmeen Fenerbahce.
Barcola oo inta badan ka ciyaara labada garab, ayaa la dhibtooday booska weeraryahanka dhexe ciyaartii Arbacadii, isagoo qasaariyay laba fursadood oo waaweyn, isla markaana lix jeer lumiyay kubadda inkastoo uu dhammaystay 90-kii daqiiqo. Xiddigan reer France oo xagaagii looga soo iibsaday PSG adduun dhan 123 milyan oo gini, ayaan weli soo bandhigin qaab-ciyaareed joogto ah, marka laga reebo saddexley goolal ah oo uu ka dhaliyay LASK.
Iraola ayaa Barcola geeyay weerarka dhexe si uu garabka bidix uga ciyaarsiiyo da’yarka Rio Ngumoha, garabka midigna Victor Munoz. Qaybtii labaad, Ngumoha iyo Munoz ayaa lagu beddelay Cody Gakpo iyo Alexander Isak kuwaas oo kooxda u dhiibay hoggaanka 2-1, ka hor inta aysan Liverpool 17-kii daqiiqo ee u dambeeyay burburin oo looga adkaan 3-2.
Lineker oo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football ayaa ku tilmaamay go’aanka Iraola mid la yaab leh, wuxuuna yiri: ” waxay ila ahayd wax aan caadi ahayn. Barcola iiguma muuqdo ciyaaryahan booskaas ka ciyaari kara. Waxaad soo iibsanaysaa xiddig weyn oo jooga in ka badan 100 milyan oo gini, ka dibna waxaad ka ciyaarsiinaysaa boos uusan aqoon u lahayn.”
Tababare Iraola ayaa difaacay tijaabadiisa isagoo sheegay in ay ogyihiin in Barcola uu ku fiican yahay garabka, balse ay ahayd dookh ay u baahnaayeen inay mararka qaar tijaabiyaan.
Dhanka kale, Barcola oo la hadlay Sky Sports ayaa ballan-qaaday in taageerayaasha Liverpool aysan weli arkin qaab-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, uuna aaminsan yahay in xaaladdu ay soo hagaagi doonto marka ay is-fahmaan ciyaartoyda kale, isagoo rajeynaya inuu booskiisa dabiiciga ah ku soo laabto kulanka ay Axadda booqanayaan Crystal Palace.