Daafacii Ay Liverpool U Soo Iibsatay Beddelkii Trent Alexander-Arnold Oo Hadda Baxaya? – Wuxuu Dalab Ka Helay Horyaalka Sacuudiga

Daafaca midig ee kooxda Liverpool, Jeremie Frimpong, ayaa diyaar u ah inuu isaga tago kooxdaas, iyadoo loo soo bandhigay kooxda Al-Hilal ee ka dhisan horyaalka Sucuudiga, sida ay ku warrantay shabakadda Winwin.

Xiddigan reer Netherlands oo ah 25 jir ayaa ka fiirsanaya inuu waayo cusub ka bilaabo dalka Sucuudiga, inkastoo uu Liverpool ku soo biiray xagaagii 2025-kii. Waqtigaas waxaa kooxda Bayer Leverkusen looga soo iibsaday adduun dhan 40 milyan oo Yuuro, iyadoo Liverpool ay u arkaysay beddelka Trent Alexander-Arnold oo u wareegay Real Madrid.

Si kastaba, xilli-ciyaareedkii ugu horreeyay ee Frimpong ee garoonka Anfield uma uusan dhicin sidii la qorsheeyay. Inkastoo uu saftay 35 kulan oo tartamada oo dhan ah oo ay ku jiraan 21 kulan oo Premier League ah, haddana waxaa si joogto ah u ragaadiyay dhaawacyo.

Dhaawiciisii ugu dambeeyay ee dhanka muruqa ah ayaa soo gaaray 17-kii Oktoobar kulankii Brentford ka dib markii uu beddel ku soo galay bilowgii qaybta labaad, mana uusan ciyaarin tan iyo markaas.

Tababaraha xulka qaranka Netherlands, Ronald Koeman, ayaa sidoo kale Frimpong ka reebay liiska xulkiisa ee ka qayb galay Koobkii Adduunka ee 2026-ka, isagoo sabab uga dhigay hoos u dhac ku yimid qaab-ciyaareedkiisa.

Ka hor inta uusan u soo wareegin Ingiriiska, daafacan ayaa guulo waaweyn kula soo gaaray kooxda Bayer Leverkusen oo uu xilli-ciyaareedkii 2023/24 la guuleystay horyaalka Bundesliga iyo koobka DFB-Pokal, ka hor inta uusan ku darin koobka Super Cup-ka Jarmalka sanadkii 2024-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular