Xiddiga Chelsea, Cole Palmer, ayaa magacaabay ciyaaryahanka uu aaminsan yahay in aan si ku filan looga qiimeyn kooxda, isagoo farta ku fiiqay Roméo Lavia.
Palmer ayaa arrintan ka hadlay isagoo la hadlayay Sky Sports ka hor kulanka Premier League ee ay Chelsea Axadda la ciyaari doonto Sunderland.
Xiddiga reer England ayaa sheegay in Lavia uusan helin aqoonsiga uu mudan yahay, isla markaana dad badan aysan garanayn awoodda dhabta ah ee uu leeyahay marka uu dhexda ka ciyaarayo.
Markii la weydiiyay inuu magacaabo ciyaaryahanka Chelsea ugu qiimaha yar marka loo eego waxtarka ciyaartoyda, Palmer ayaa ku jawaabay:
“Lavia, sababtoo ah qofna ma garanayo sida uu dhab ahaantii u fiican yahay.
“Dabcan, waxaan isla soo ciyaarnay tan iyo waagii Manchester City, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaan xoogaa u janjeero dhankiisa, balse runtii waa ciyaaryahan aad u fiican.”