Kooxda Liverpool ayaa go’aansatay inaysan iibin da’yarka garabka ka ciyaara ee Rio Ngumoha, inkastoo kooxda Bayern Munich ay wadahadallo kula jirto wakiillada ciyaaryahanka.
Laacibkan 18 jirka ah oo ay Liverpool ku soo iibsatay lacag bilow ah oo dhan 2.8 milyan oo gini, ayaa xilli-ciyaareedkan boos joogto ah ka helay shaxda tababare Andoni Iraola, isagoo ciyaaray 13 ka mid ah 15-kii kulan ee kooxdu dheeshay tartamada oo dhan.
Sida uu sheegay wariyaha reer Jarmal ee Christian Falk, kooxda Bayern Munich oo xagaagii hore ku guul-darraysatay saxiixiisa ka hor inta aysan la wareegin Ismael Saibari, ayaa weli wadahadal kula jirta walaalka ciyaaryahankan. Bayern ayaa doonaysa inay xagaaga soo socda u soo bandhigto dalab ay kula tartansiinayso Luis Diaz oo ka ciyaara garabka bidix.
Si kastaba, shabakadda TEAMtalk ayaa ku warrantay in maamulka Liverpool aysan marnaba diyaar u ahayn inay iibiyaan Ngumoha, xitaa haddii ay ka helayaan faa’iido badan, iyagoo gaashaanka u dari doona dalab kasta oo uga yimaada Bayern ama Arsenal.
Liverpool ayaa hadda dedejinaysa sidii ay heshiis cusub oo mushahar kordhin ah uga saxiixi lahayd da’yarkan oo qandaraaskiisu dhammaanayo 2028-ka, waxaana la filayaa in heshiiska la dhammaystiro inta lagu jiro fasaxa xulalka qaranka.