Manchester United Oo Caddeysay Mowqifkeeda Mustaqbalka Kobbie Mainoo

Kooxda Manchester United ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan mustaqbalka Kobbie Mainoo, iyadoo diiday inay fasaxdo suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, inkastoo ay xiiseynayaan Paris Saint-Germain iyo kooxo kale oo reer Yurub ah.

Shabakadda TEAMtalk ayaa ku warrantay in ilo-wareedyo ka tirsan kooxda ay xaqiijiyeen in maamulku uu ku adkaysanayo sii haynta laacibkan 21 jirka ah ee khadka dhexe. Mainoo ayaa haysta kalsoonida tababare Michael Carrick, waxaana loo arkaa xubin muhiim u ah qorshihiisa.

Ciyaaryahankan ayaa xilli-ciyaareedkan ku soo bilowday shan kulan oo horyaalka Premier League ah iyo laba ciyaarood oo tartanka Champions League ah, inkastoo uu kordhay tartanka loogu jiro boosaska khadka dhexe.

Mainoo oo horey ugu dhibtooday inuu waqti ciyaareed ka helo tababarihii hore ee Ruben Amorim, ayaa uga mahadceliyay Carrick kalsoonida uu siiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Ilo-wareedyada Manchester United ayaa hoosta ka xariiqay in Kobbie Mainoo uusan iib ahayn. Kooxda ayaa doonaysa inay ku sii hayso garoonka Old Trafford, waxaana bixitaankiisa laga fiirsan karaa oo keliya haddii lagu soo dalbado lacag aad u badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular