JJ Gabriel Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaaray Kooxda Uu Ku Biirayo; Ma Ahan Barcelona

Da’yarka Manchester United, JJ Gabriel, ayaa heshiis afka ah la gaaray Real Madrid, kadib markii uu go’aansaday inuu isaga tago kooxda ka dhisan Premier League, sida ay wararku sheegayaan.

Gabriel ayaa bishii Oktoobar si rasmi ah uga codsaday Manchester United in laga fasaxo kooxda isla markiiba, isla markaana la joojiyo diiwaangelintiisa, ka hor inta uusan gaarin da’da 16-ka sano.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku hareeraysan ciyaaryahanka aysan ku qanacsanayn fursadaha kooban ee uu ka helayay kooxda koowaad intii uu Michael Carrick maamulayay.

Wargeyska Isbaanishka ee SPORT ayaa toddobaadkii hore sheegay in arrinta mustaqbalka Gabriel ay ku dhowdahay dhammaad, iyadoo la sheegay inuu diiday dalab uga yimid Paris Saint-Germain.

Hadda, sida wararku tilmaamayaan, Gabriel ayaa go’aankiisa kama dambaysta ah gaaray, wuxuuna doorbiday inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa in laga soo saaro mustaqbalka ciyaaryahanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular