“Waa Qeyru Masuul” :- Rooney Oo Kabaha La Dul-maray Bruno Fernandes Kadib Guushii United Ee Roma

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa dhaliilay kabtanka kooxda Bruno Fernandes, isagoo ku eedeeyay inuusan caawin difaaca kulankii ay United 3-2 kaga adkaatay AS Roma ee Champions League.

Manchester United ayaa u muuqatay inay mar kale guuldarro la kulmi doonto kadib markii Roma ay 2-0 ku hoggaamisay qeybtii hore ee ciyaarta. Matias Soule ayaa goolka koowaad dhaliyay daqiiqaddii 12-aad, isagoo ka faa’iideystay boos uu baneeyay Diogo Dalot oo weerarka ku maqnaa.

Roma ayaa goolka labaad dhalisay kadib markii Ayden Heaven gacanta ku taabtay kubad ku jirta gudaha xerada ganaaxa. Donyell Malen ayaa rigoorada u beddelay gool.

Rooney ayaa si gaar ah u dhaliilay Fernandes, isagoo sheegay inuu ku guuldarreystay inuu buuxiyo booskii uu Dalot ka baxay, isla markaana uu iska indhatiray mas’uuliyadda difaac ee saarneyd.

“Marka Dalot hore u baxo, Bruno waa inuu booskaas buuxiyaa. Waa inuu dib u ordaa, adigaa kabtanka kooxda ah, mas’uuliyad waa inaa isa saartaa,” ayuu Rooney ku yiri Amazon Prime.

Fernandes ayaa qeybtii labaad rigooro dhaliyay, kadib markii uu qasaariyay balse loo oggolaaday inuu ku celiyo.

Matheus Cunha ayaa saddex daqiiqo gudahood laba gool dhaliyay, isagoo United u horseeday soo laabasho cajiib ah. Cunha ayaa markii dambe kaarka cas qaatay, balse kooxdiisa ayaa difaacatay hoggaanka.

Rooney ayaa sidoo kale ammaanay sida ay United u wanaajisay ciyaarteeda qeybtii labaad iyo go’aankii ay ku xaqiijisay guusha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular