Matheus Cunha Oo Manchester United Ka Caawiyay Soo Laabasho Cajiib Ah Oo Ay Kaga Adkaadeen AS Roma

Matheus Cunha ayaa Manchester United ku hoggaamiyay guul soo laabasho ah kadib markii uu dhaliyay laba gool kulankii ay 3-2 kaga adkaadwen AS Roma garoonka Old Trafford.

Roma ayaa si wanaagsan ku bilaabatay ciyaarta, waxaana Mattia Solé uu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqaddii 11-aad. Donyell Malen ayaa rigoore dhaliyay daqiiqaddii 18-aad, taasoo sababtay in ciyaarta qeybtii hore lagu kala nasto 2-0 ay Roma ku hoggaaminaysay.

United ayaa qeybtii labaad sameysay soo laabasho xooggan. Bruno Fernandes ayaa rigoore u soo celiyay kooxda daqiiqaddii 58-aad, kahor inta uusan Cunha laba gool dhalin, kuwaasoo Manchester United siiyay guul 3-2 ah.

Cunha ayaa sidoo kale hoggaamiyay tirokoobyada shaqsiyadeed ee kulanka. Waxa uu ku guuleystay 10 loollan, wuxuuna sagaal jeer kubadda ku taabtay gudaha xerada ganaaxa kooxda kasoo horjeedda. Waxa uu sidoo kale sameeyay afar kubbad-qaadid, afar jeerna goolka ayuu bartilmaameedsaday, saddex ka mid ahna goolka ayay ku aadeen.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu badnaa ee qalad lagu galay, iyadoo afar jeer la joojiyay.

Dhanka kale, Carlos Baleba ayaa dhaawac muruqa bowdada ah ku baxay, waxaana la sugayaa qiimeynta dhaawaciisa. Kulanka waxaa sidoo kale la bixiyay kaar cas.

Guushan ayaa United gaarsiisay lix dhibcood iyo kaalinta 17-aad, halka Roma ay afar dhibcood ku hakatay iyadoo ku nagaatay kaalinta 19-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular