Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa dhaliil adag u jeediyay garsoorayaasha VAR, kaddib markii kooxdiisa laga diiday rigoore intii ay socotay ciyaartii 1-0 looga adkaaday.
Dhacdadu waxay timid qeybtii hore ee ciyaarta, markii Alexander Isak uu isku dayayay inuu gaaro karoos, balse daafaca Arsenal ee Jurrien Timber uu shaarkiisa jiiday. Garsoore Andy Madley ma uusan dhigin rigoore, halka garsooraha VAR ee Stuart Attwell uusan soo faragelin.
Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa ciyaarta kaddib muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn go’aankaas. Gerrard ayaa isaguna ku biiray dadkii dhaliilay garsoorayaasha.
“Si cad ayaa loo arkayay inay wax jiraan. Laakiin garsoorayaasha VAR diyaar umeysan ahayn inay dhigaan rigoorada. Si kastaba, waa wax laga xishoodo in qof VAR fadhiya, oo haysta shaashado iyo kamarado badan, uu seego dhacdadaas,” ayuu yiri Gerrard.
Wuxuu intaas ku daray in Timber uu shaarka Isak muddo jiidayay, isla markaana garsoorayaasha VAR ay heleen fursado badan oo ay dhacdada dib ugu daawadaan.
Gerrard ayaa sidoo kale diiday fikradda ah in Isak ay ahayd inuu dhulka isku tuuro si garsooruhu u arko qaladka.
“Kuma guuleysan kartid xaaladdaas. Haddii aad dhacdada buunbuuniso, waxaa lagugu eedeynayaa khiyaano. Tiknoolajiyaddan iyo kamaradaha badan ee maanta jira, ciyaaryahan uma baahna inuu wax buunbuuniyo. Waa inay si cad u arkaan in shaarkiisa la jiiday si looga hor istaago inuu gaaro karoos fursad gool dhalineed ahaa. Waa rigoore,” ayuu raaciyay.
Gerrard ayaa sidoo kale xusay in Mikel Arteta uu ciyaarta kaddib qiray in Arsenal ay nasiib ku badbaadday waqtiyo ka mid ah kulanka, isaga oo aaminsan inuu tababaruhu ula jeeday dhacdadaas.