Xiddiga Khadka dhexe ee Liverpool, Dominik Szoboszlai, ayaa sheegay in guusha horyaalka Premier League ay tahay waxa keliya ee kooxdiisu u aragto xilli ciyaareed guuleystay.
Hadalka xiddiga reer Hungary ayaa yimid maalin kaddib markii Liverpool guuldarro 1-0 ah kala kulantay Arsenal.
“Waa inaan ku guuleysannaa horyaalka. Waxaan nahay Liverpool, waana inaan mar walba ku jirnaa tartanka. Taasi waa maskaxda aan ku ciyaareyno,” ayuu yiri Szoboszlai.
Inkasta oo Liverpool ay waayadan la kulmeysay natiijooyin aan wanaagsaneyn, haddana Szoboszlai ayaa muujiyay inuu weli ku kalsoon yahay hamiga kooxda.
Sagaal kulan oo horyaalka ah kaddib, Liverpool ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala sarreynta Premier League, iyadoo leh 15 dhibcood. Kooxda ayaa dooneysa inay hesho joogteyn dhanka natiijooyinka ah si ay u soo yareyso farqiga kala dhexeeya hoggaamiyeyaasha horyaalka.