Paul Merson Oo Caddeeyay Hal Caqabad Oo Arsenal Ka Hor Istaagi Karta Ku Guuleysiga Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay horyaalka Premier League si rasmi ah ugu guuleysan karto bartamaha bisha December, haddii ay si wanaagsan uga gudubto kulamada adag ee soo socda.

Arsenal ayaa toddobaadkii hore barbarreysay dhibcaha Manchester City oo hoggaanka horyaalka la heysa, kaddib markii ay 2-0 kaga badisay Everton garoonkeeda.

Hase yeeshee, kooxda Mikel Arteta ayaa bartamihii toddobaadka la kulantay guuldarro lama filaan ah, kaddib markii ay rigoorayaal kaga hartay Fleetwood Town oo ka ciyaarta heerka afaraad, tartanka Carabao Cup.

Arsenal ayaa Axadda booqan doonta Liverpool, taasoo guuleysatay shantii kulan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada. Kulankaas ayaa bilow u ah jadwal adag oo ay sidoo kale ku jiraan Newcastle United, Manchester City iyo Tottenham.

Merson ayaa Sky Sports u sheegay in natiijooyinka Arsenal ay gaarto ilaa 13-ka December ay muujin doonaan halka ay ku dambeyn karto tartanka horyaalka.

Wuxuu sidoo kale ka digay saameynta maqnaanshaha Bukayo Saka, haddii dhaawaciisu ku sii hayo bannaanka garoomada muddadan. Merson ayaa sheegay in Saka uu yahay ciyaaryahan go’aanno sax ah si joogto ah u qaata, isla markaana ay adag tahay in booskiisa la buuxiyo muddo dheer.

Dhanka kale, Merson ayaa sheegay in Liverpool ay khasab ku tahay inay Arsenal ka badiso Axadda haddii ay doonayso inay si dhab ah ugu sii jirto loollanka horyaalka.

Wuxuu xusay in haddii Liverpool laga badiyo, ay ugu yaraan lix dhibcood ka dambeyn doonto Arsenal, iyadoo weliba booqan doonta garoonka Emirates.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular