Manchester United Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Michael Carrick Kadib Guuldarradii Chelsea

Manchester United ayaa guuldarro 2-0 ah kala kulantay Chelsea, taasoo sii dheereysay muddadii ay guul la’aanta ahaayeen oo gaartay sagaal kulan dhammaan tartamada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda muuqata in Michael Carrick uu sii ahaan doono tababaraha kooxda ugu yaraan labada kulan ee soo socda, kuwaas oo la ciyaari doono ka hor fasaxa xulalka qaranka ee bisha November.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay in wada-hadallo degdeg ah oo maamulka United yeeshay toddobaadkii hore, kaddib guuldarrooyinkii cuslaa ee Como iyo Bournemouth, lagu gaaray go’aan ah in Carrick xilka sii hayo ilaa fasaxa xulalka, markaas oo mar kale la qiimeyn doono xaaladdiisa.

Go’aankaas ayaa Carrick ka badbaadiyay xil ka qaadis u muuqatay mid lama huraan ah, kaddib markii Bournemouth 3-0 ku garaacday United. Kulankaas kaddib, Carrick ayaa u muuqday inuu taageerayaasha garoonka ku sagootinayay.

Taageerayaashii United ee u safray galbeedka London ayaa dhaleeceeyay maamulka kooxda iyo ciyaartoyda qaab ciyaareedkoodu liito. Hase yeeshee, waxay ku dhawaaqayeen magaca Carrick, iyagoo sacab ku sagootiyay markii uu u yimid dhammaadka ciyaarta.

Carrick ayaa wareysi kooban oo uu siiyay TNT Sports ku adkeystay inuu sii ahaan doono tababaraha kooxda.

Wuxuu haatan hoggaamin doonaa United kulanka Roma ee Champions League, ka hor inta aysan toddobaadka dambe wajihin Aston Villa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular