Muxuu Michael Carrick Ka Yiri Guuldarradii Kooxdiisa Ka Soo Gaartay Chelsea?

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa guuldarradii 2-0 ahayd ay kooxdiisa kala kulantay Chelsea ku eedeeyay qaab ciyaareedkii liitay ee qeybtii labaad.

Manchester United ayaa si wanaagsan ku bilaabatay kulankii ka dhacay Stamford Bridge, waxayna abuurtay fursado dhowr ah. Gool uu Matheus Cunha dhaliyay ayaa se loo diiday offside.

Balse Chelsea ayaa qeybtii labaad ciyaarta la wareegtay, iyadoo Morgan Rogers iyo Cole Palmer ay dhaliyeen labada gool ee guusha u xaqiijiyay kooxda martida loo ahaa.

“Wax ciyaar ah ma aanan soo bandhigin qeybtii labaad. Qeybtii hore waxay ahayd inaan hoggaanka ciyaarta qabanno,” ayuu Carrick u sheegay Sky Sports.

Wuxuu intaas ku daray: “Wax walba waxay u socdeen sidii aan rajeynaynay. Waxaan u muuqannay koox khatar badan abuureysa.

“Laakiin qeybtii labaad ayay ciyaartu naga burburtay. Gool xun ayaan iska dhalinay, kaddibna rigoodhe ayaa yimid, taasoo xaaladdeenna sii adkeysay. Ciyaartu gebi ahaanba dhinaca kale ayay isu rogtay.”

Manchester United ayaa haatan ku guuldarreysatay inay guul gaarto toddobadii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular