“Waxay Ahayd Aargoosi” :-Carlos Tevez Oo Shaaciyay Sababta Uu 2009 Uga Tegay Man United Uguna Biiray Man City

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Carlos Tevez, ayaa shaaca ka qaaday in go’aankiisii uu 2009 ugu wareegay Manchester City uu ahaa mid aargoosi la xiriiray, kaddib markii uu dareemay in Sir Alex Ferguson uusan fulin ballanqaadkii uu u sameeyay.

Tevez ayaa sheegay in markii uu United ugu ciyaarayay amaah laba sano ah, Ferguson uu u ballanqaaday in kooxda ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto haddii uu si wanaagsan u ciyaaro.

“Ferguson wuxuu igu yiri: ‘Carlos, waxaan bixin doonaa lacagta heshiiskaaga, Manchester ayaadna sii joogi doontaa.’ Wuxuu ii sheegay inuu iibsan doono Dimitar Berbatov, anigana aanan welwelin, maadaama uu heshiiskayga dhammeystiri doono,” ayuu Tevez yiri.

Si kastaba, weeraryahanka reer Argentina ayaa sheegay in Ferguson uusan fulin ballanqaadkaas, balse uu bilaabay inuu keydka dhigo, taasoo Tevez ku dhalisay inuu dareemo in kooxda ay isku dayayso inay hoos u dhigto qiimihiisa suuqa.

“Waxa ugu xanuunka badnaa waxay ahayd inaan dareemay in la iga fogeynayo kooxda. Waxaan qalbigayga siiyay United, balse ma aanan dareemin in si la mid ah la iigu jawaabay,” ayuu yiri.

Tevez ayaa intaas ku daray inuu waqti wanaagsan ku qaatay United, halkaas oo uu kula guuleystay Premier League iyo Champions League.

“Haddana City waxay ii ahayd aargoosi. Ma aanan helin wixii aan bixiyay,” ayuu ku yiri wareysi uu la yeeshay Rio Ferdinand.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular