Lamine Yamal Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Fashilkii Ballon d’Or-ka

Xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona, Lamine Yamal, ayaa markii ugu horreysay hadlay kadib markii uu ku fashilmay inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2026, oo Isniintii lagu qabtay magaalada London.

Yamal ayaa bartiisa Instagram ugu diray taageerayaashiisa farriin toos ah, isagoo muujiyay kalsooni ku aaddan mustaqbalkiisa kubadda cagta, inkastoo uu ku dhammeystay kaalinta saddexaad.

Xiddiga reer Spain ayaa ka dambeeyay kabtanka xulka England, Harry Kane, oo ku guuleystay abaalmarinta, iyo kabtanka Faransiiska, Kylian Mbappé.

“Ballon d’Or-ka wuu iman doonaa; waxyaabaha wanaagsan waxay u baahan yihiin waqti. Waxaan ku kalsoonahay waddada aan dhisanayo. Waqtigeygu wuu iman doonaa,” ayuu Yamal ku qoray Instagram.

Yamal ayaa sidoo kale hambalyo u diray Kane kadib markii uu ku guuleystay abaalmarinta.

Inkasta oo uusan qaadin Ballon d’Or, haddana xiddiga 19-jirka ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kopa Trophy, wuxuuna sidoo kale xilli ciyaareedkii hore la qaaday Barcelona horyaalka LaLiga, isagoo sidoo kale ku guuleystay Koobka Adduunka 2026.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular