Jorge Valdivia, ciyaaryahan hore oo caan ah oo ka tirsan xulka Chile, ayaa lagu xiray tuhun kufsi ah. Valdivia, oo loo arko mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu fiican ee Chile soo maray, ayaa la qabtay kaddib markii haweeney, la aaminsan yahay inay tahay qof sameeya tattoo ga, sheegtay in uu weeraray. Haweeneyda ayaa sheegtay inay ka soo toostay guriga Valdivia iyadoo xusuusteeda lunsan kaddib markii ay la cabtay laba koob oo cocktail ah.
Haweeneyda ayaa sheegtay inay isugu yimaadeen inay ka wada hadlaan naqshadaha tattoo-ga. Valdivia ayaa iska diiday eedaymaha kufsiga, isagoo sheegay in xiriirka uu la yeeshay haweeneyda uu ahaa mid raalli ay ka tahay. Wuxuu ku adkeystay in uusan qofna qasbin si uu ula galmoodo.
Valdivia, oo xubin muhiim ka ahaa xulka Chile ee ku guuleystay Copa America 2015 iyo ciyaarihii Koobka Adduunka ee 2010 iyo 2014, ayaa laga joojiyay shaqadiisa raadiyaha ADN ilaa baaritaanku ka dhamaanayo. Milkiilaha idaacadda, Prisa Media, ayaa sheegay in Valdivia shaqada laga hakiyay illaa kiiska maxkamadda go’aan laga gaaro.
Ciyaaryahanka hore, oo hawlgab noqday 2022, ayaa u ciyaaray kooxaha reer Brazil ee Palmeiras iyo kooxo ka dhisan Bariga Dhexe sida Al Ain iyo Al Wahda. Valdivia ayaa caan ku noqday xirfadiisa kubbadda cagta, isaga oo loogu magac daray ‘El Mago’ ama ‘Sixirroowga’.