Paul Pogba ayaa sheegay in Manchester United ay “xannibtay” markii uu doonayay inuu kooxda ka tago, iyadoo Ed Woodward, madaxa fulinta hore, uu diiday inuu iibiyo. Pogba, oo 31 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayay inuu ka tago Old Trafford sanadkii 2019 kadib markii uu u sheegay tababaraha markaas, Ole Gunnar Solskjaer, iyo Woodward, in uu doonayo inuu baxo.
Xiddiga reer France ayaa haatan loo ogolaaday inuu tababarka dib u bilaabo bisha Janaayo, waxaana uu kusoo laaban karaa garoomada bisha Maarso ka dib markii ganaax daroogo lagu soo rogay.
Pogba waxaa lagu helay inuu isticmaalay maado la mamnuucay oo lagu magacaabo DHEA, laakiin Maxkamadda Ciyaaraha ee CAS ayaa sheegtay in uusan si ula kac ah u qaadan, kadib markii uu sharraxay in dhakhtar ku nool Mareykanka u qoray.
Pogba waxa uu sheegay in dadkii uu ku kalsoonaa ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu adeegsado maandooriyaha. Waxa uu sidoo kale xusay in sheekadiisu ay noqon lahayd mid ka duwan tan hadda taagan haddii la oggolaan lahaa inuu ka tagayo United sanadkii 2019.