7 Xiddig Oo Manchester United Ka Tirsan Oo Ku Habboon Falsafadda Pochettino Oo La Shaaciyay

Shabakadda The Telegraph ayaa shaaca ka qaadday toddobo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Manchester United kuwaas oo uu aad uga heli doono tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino, maadaama ay leeyihiin tayada ku habboon falsafaddiisa ciyaareed.

Xiddigaha la magacaabay waxaa hoggaaminaya weeraryahanka Marcus Rashford, kaas oo dhibtoonayay inuu daqiiqado joogto ah helo tan iyo markii uu ka soo laabtay amaah uu ku soo qaatay kooxda Barcelona, isagoo aan weli wax gool ah dhalin siddeed kulan oo uu saftay xilli-ciyaareedkan.

Ilo-wareed horay ula soo shaqeeyay Pochettino ayaa sheegay in macallinkan reer Argentina uu “gacanta saari doono” Rashford, uuna siin doono isla kalsoonidii iyo jacaylkii uu horay ugu muujiyay Dele Alli waqtigii ay wada joogeen Tottenham. Pochettino ayaa horay Koobkii Adduunka ee 2022 ku ammaanay Rashford, isagoo xusay in 29 jirkan uu u baahan yahay oo keliya kalsooni si uu ugu laabto heerkiisii ugu sarreeyay.

Marka laga soo tago Rashford, lixda ciyaaryahan ee kale ee uu Pochettino jeclaan doono la shaqeyntooda ayaa kala ah Bruno Fernandes, Kobbie Mainoo, Carlos Baleba, Amad Diallo, Luke Shaw, iyo Patrick Dorgu.

“Dhammaantood waa ciyaartoy leh tayada uu caadi ahaan ka helo, waxayna ku habboon yihiin qaabka uu jecel yahay inay kooxihiisu u ciyaaraan. Qaar ka mid ah ciyaartoyda kale ee kooxda waxaa laga yaabaa inay ku qasbanaadaan inay is-muujiyaan,” ayuu yiri ilo-wareedka.

Manchester United ayaa heshiis afka ah oo buuxa la gaartay Pochettino si uu u beddelo Michael Carrick ka hor kulanka adag ee ay Liverpool la ciyaari doonaan 22-ka bisha Nofeembar, iyadoo kooxdu ay haatan ku jirto kaalinta 18-aad ee horyaalka ka dib markii ay badisay hal kulan oo keliya 10-kii ciyaarood ee ugu horreeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular