Ku dhawaaqida Thomas Tuchel shaqada tababarnimo ee xulka England ayaa calaamad u ah bilowga waaya cusub oo Three Lions u dhashay.
51-jirka reer Jarmal ayaa astaan u ah isbedel ku yimid istaraatiijiyada shaqo ee FA-ga, isagoo noqday tababarihii sadexaad ee Ajnabi ah ee England loo dhiibo.
Kadib guulihiisii Borussia Dortmund, Chelsea, PSG, iyo Bayern Munich, FA ayaa ku kalsoonaday waxqabadkiisii hore, isagoo soo bandhigay qorshe qanciyay maamulka xulka.
Magcaabistaan waxay fursad siin doontaan tiro ciyaartooy ah oo maalmahaan lagu arkin xirashada maaliyada xulka qaranka,.
Ciyaartooyda qaranka England qaar kamid ah waxaa sii xoogeysan doona fursadooda xulka, halka qaarna ay heli doonaan fursad weyn oo ay dib ugu soo laabtaan qaranka.
Liiska ciyaartooyda fursada heli kara waxaa kamid ah Conor Gallagher, Ben Chilwell, Marcus Rashford oo bilihii ugu dambeeyay ka maqnaa qaranka England.
Marka laga yimaado kuwaas sarre, waxaa jira magacyo kale oo taageere ka heli kara Tuchel waxaana kamid ah Trent Alexander-Arnold, Cole Palmer, Phil Foden iyo Levi Colwill