£62.5 Milyan! Arsenal Oo Xal Waqti Dheer Ah U Heshay Garabka Bidix!

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah inay lacag badan ku bixiso sidii ay bisha Janaayo ula soo saxiixan lahayd garabka weerarka ee RB Leipzig, Antonio Nusa, kaas oo la sheegay inuu oggolaaday inuu ku biiro Gunners.

Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay wadahadallo la furtay wakiillada ciyaaryahanka reer Norway, iyadoo ay diyaar u tahay dalab dhan £62.5 milyan. Hase yeeshee, lacagtaasi waxay £5 milyan ka yar tahay qiimaha ay Leipzig ku doonayso xiddiga oo ah £67 milyan.

Nusa oo 21 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay lix gool, wuxuuna sameeyay siddeed caawin 15 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka. Arsenal ayaa u aragta inuu xal waqti dheer ah u noqon karo garabka bidix, halkaas oo ay haatan booska ku kala beddelaan Christos Tzolis iyo Eberechi Eze.

Si kastaba, khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in Leipzig aysan doonayn inay Nusa iibiso Janaayo, isla markaana ay ku qiimeysay inta u dhexeysa €70 milyan iyo €75 milyan.

Romano ayaa intaas ku daray in Leipzig ay doorbidayso inay xiddiga sii haysato ilaa xagaaga, ayna kaliya ka fiirsan doonto iibkiisa haddii dalab aad u weyn loo soo bandhigo.

Arsenal ayaa la sheegay inay muddo la socotay Nusa, isla markaana ay aad ula dhacday bandhiggiisa Bundesliga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular