Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Jude Bellingham, ayaa qarka u saaran inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan naadiga ka ciyaara horyaalka LaLiga.
Bellingham ayaa haatan wadahadallo kula jira kooxda si uu u saxiixo qandaraas cusub, iyadoo Real Madrid ay u soo bandhigtay inay labanlaabto mushaharkiisa.
Sida uu ku warramay wargeyska AS, heshiiskan cusub ayaa xiddigan reer England u suurtagelin kara inuu toddobaadkii qaato lacag ku dhow 480,000 oo gini.
Arrintan ayaa mushaharkiisa la simi doonta midka uu qaato Vinícius Júnior, kaas oo isaguna xagaagii heshiis cusub la gaaray kooxda.
Vinícius ayaa xiiso xooggan ka helayay kooxda Arsenal, kuwaas oo diyaar u ahaa inay lacag aad u badan ku bixiyaan saxiixiisa, balse garabka reer Brazil ayaa ugu dambeyn qalinka ku duugay qandaraas shan sano ah oo uu ku sii joogayo garoonka Santiago Bernabéu.