Wariye Fabrizio Romano ayaa shaaciyay tababaraha ay Manchester United sida weyn u xiiseyneyso inuu beddelo Michael Carrick, haddii kooxda ay go’aansato inay shaqada ka ceyriso.
Carrick ayaa cadaadis xooggan wajahaya, kaddib markii United ay badisay labo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
Inkasta oo laga filayay in kooxda ay shaqada ka ceyriso kaddib guuldarrooyinkii cuslaa ee ay kala kulantay Como iyo Bournemouth, haddana tababaraha ayaa weli hoggaaminaya kooxda, waxaana la filayaa inuu joogo kulanka Chelsea.
Romano oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in maamulka United uu go’aansaday inuu Carrick sii joogo, balse uu sidoo kale xiriir la sameeyay tababarayaal kale kaddib guuldarrooyinkaas.
“Waxa dhacay waa in Manchester United ay go’aansatay inay tababaraha sii haysato, balse isla waqtigaas ay xiriirro la sameysay tababarayaal kale. Natiijooyinka soo socda ayaa go’aamin doona tallaabada xigta,” ayuu yiri Romano.
Markii la weydiiyay tababaraha ay United sida weyn u jeceshahay, Romano wuxuu magacaabay Unai Emery oo haatan hoggaamiya Aston Villa.
Wuxuu sheegay in Emery uu yahay tababaraha ay United aad u qiimeyso, balse heshiiskiisa uu adag yahay, maadaama uu si buuxda ugu lug leeyahay mashruuca Aston Villa, isla markaana uu go’aannada ka gaaro ciyaartoyda, xeeladaha iyo qorshaha kooxda.
Romano ayaa sidoo kale xusay Eddie Howe, Antonio Conte iyo Julian Nagelsmann inay ka mid yihiin tababarayaasha kale ee suurtagalka ah.
Si kastaba, Carrick ayaa weli xilka haya, mustaqbalkiisuna wuxuu ku xirnaan doonaa natiijooyinka kulamada soo socda.