Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ku raacay Lamine Yamal in saaxiibkiisa kooxda ee Pau Cubarsí uu mudnaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Kopa Trophy ee Ballon d’Or 2026.
Yamal ayaa markii saddexaad oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta Kopa Trophy, taasoo la siiyo ciyaaryahanka da’da yar ee ugu wanaagsan sannadka.
Intii uu jeedinayay khudbaddiisa abaalmarinta, xiddiga reer Spain ayaa sheegay in Cubarsí uu isagu mudnaa inuu ku guuleysto.
Aragtida Yamal ayaa timid kadib xilli ciyaareed uu Cubarsí ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee ugu wanaagsan Koobka Adduunka 2026.
Flick ayaa shirkiisa jaraa’id ee Jimcihii ku taageeray hadalka Yamal, isagoo sheegay in daafaca reer Spain uu mudnaa abaalmarinta kadib bandhiggiisii wanaagsanaa.
“Anigana aad ayaan u jeclaaday hadalkii Lamine ee ku saabsanaa Pau Cubarsí. Wuxuu mudnaa abaalmarinta Kopa Trophy kadib xilli ciyaareed cajiib ah,” ayuu yiri Flick.