11 ciyaaryahan Oo Ay Manchester United Ceyrineyso Haddii Pochettino Uu Xilka La Wareego

Sida lagu sheegay warbixin cusub, ilaa 11 ciyaaryahan ayaa isaga tagi kara Manchester United sanadka 2027, xilli maamulka kooxda ee INEOS ay qorsheynayaan inay cayriyaan macallin Michael Carrick oo ay ku beddelaan Mauricio Pochettino.

Shabakadda The Athletic ayaa baahisay in United ay horumar fiican ka sameysay heshiiska shakhsiga ah ee Pochettino, waxayna u baahan yihiin oo kaliya inay 7.5 milyan oo gini siiyaan xiriirka Mareykanka si ay u helaan macallinkan. Carrick ayaa weli kooxda tababar siinaya, balse bixitaankiisa ayaa dhaw kadib markii United ay gashay kaalmaha ugu hooseeya horyaalka.

Wariye Dean Jones ayaa sheegay in isbedel weyn uu ku imaan doono safka kooxda. Ciyaartoyda qandaraasyadoodu dhacayaan 2027 sida Luke Shaw, Harry Maguire, Lisandro Martinez, iyo Bruno Fernandes ayaa ka mid ah kuwa la iibin karo si boos loogu banneeyo xiddigo cusub.

Sidoo kale, waxaa go’aan laga gaari doonaa mustaqbalka Marcus Rashford, Diogo Dalot, Mason Mount, iyo Noussair Mazraoui oo heshiisyadoodu uu ku egyahay 2028. Waxaa intaas dheer in wadahadallo laga yeelan doono xiddigaha kala ah Joshua Zirkzee, Matthijs De Ligt, iyo Manuel Ugarte.

Ujeedada maamulka ayaa ah inay kooxda ka saaraan ciyaartoyda aan qaab-ciyaareedka fiican soo bandhigin si loo dhiso koox la jaanqaadi karta qorshaha cusub ee dhismaha Old Trafford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular