Kooxda kubadda cagta Arsenal waxa ay luminaysaa xiddig lagu tilmaamay ‘Yaya Toure-ha cusub’ oo ku jira liiska ciyaartoydeeda, kaas oo saluug ka muujiyey tababare Mikel Arteta oo uu rumaysan yahay in aanu siinin kalsoonidii uu u baahnaa, sidoo kalena aanu fursad ka helaynin waqtigan.
Ciyaartoyga sidan rumaysan ee la barbar-dhigayo halyeygii reer Ivory Coast ee Yaya Toure, waa Albert Sambi Lokonga oo u dhashay waddanka Belgium oo xilli-ciyaareedkii tegay amaah ugu maqnaa Luton Town, kaas oo xilli-ciyaareedkii kasii horreeyeyna amaah ugu soo dheelay Crystal Palace.
24 jirkan oo awoodi waayey inuu ka caawiyo Luton Town inay ka badbaado heerka labaad ee ay u dhacday, ayaa waxa ay Arsenal kasoo iibsatay Anderlecht xagaagii sannadkii 2021, waxaana uu dib ugu soo laaban doonaa garoonka Emirates Stadium bisha June.
Waraysi uu siiyey BBC-da ayaase uu ku sheegay in marka uu ku laabto Arsenal, in isaga iyo wakiilkiisu ay kala xaajoon doonaan sidii uu uga tegi lahaa, waxaanu yidhi: “Wada-hadal ayaan hore ula yeeshay Arsenal, waxaana wanaagsan in wax walba lagu soo gunaanado in aan ka tago kooxda. Hadda waxa arrinta gacanta ku haya wakiilkayga. Wali qandaraaskayga Gunners waxa ka hadhsan sannad iyo waliba sannad labaad oo dookh ah, markaa waynu arki doonaa sida ay wax u dhacaan.”
Albert Sambi Lokonga ayay Arsenal kasoo bixisay lacag dhan £17 milyan oo Gini.