Antonio Rudiger ayaa saacaddii uu xidhnaa markii ay kooxdiisu u dabbaal-degaysay guushii koobka Champions League waxa ay abuurtay hadal-hayn badan, kaddib markii la ogaaday inay 30 jeer ka qaalisan tahay koobka ay kooxdiisu ku guuleysatay.
Difaaca reer Germany ee 31 jirka ah oo sannadkii 2021 kula guuleystay koobka Champions League kooxda reer London ee Chelsea, balse maalmo kaddib waqtigaas si xor ah ugu wareegay Real Madrid oo uu sannadkii 2022 la qaaday isla koobka Champions League, haddana uu markii labaad kula guuleystay sannadkan, ayaa waxa uu sameeyey dabbaal-deg cajiib ahaa markii ay kooxdiisu dib ugu soo noqotay magaalada Madrid Sabtidii.
Rudiger ayaa waxa uu soo xidhay saacad nooceedu yahay Parek Philippe Nautilus 5711/A1-018 oo ay samayso shirkadda Tiffany & Co., taas oo qiimaheedu ahaa £1.4 milyan oo Gini.
Saacadda noocan ah oo kaliya suuqa la geliyey 170 xabbo oo la iibsaday, ayaa waxa uu Rudiger ka mid noqday dadka tirada yar ee haysta waqtigan, waxase layaab noqotay in koobka ay kooxdiisu ku guuleysatay ee Champions League ay saacaddani 30 jeer ka qiimo badan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, Rudiger oo 68 ciyaarood u saftay xulka qaranka Germany, ayaa waxa uu Real Madrid oo uu si xor ah ugu soo biiray uu u dheelay in ka badan 100 ciyaarood, waxaana uu hadda isku diyaarinayaa ciyaaraha Euro 2024 ee xulkiisa Germany.
2022 muusan kula guulaysanin Chelsea ayuu joogay