Naadiyada kubada cagta aduunka waa inay maraan suuqa kala iibsiga xagaaga 2025 ka hor inta aysan ka fikirin 2026, laakiin dhowr ciyaaryahan ayaa durba qorsheynaya inay ku baxaan beeca xorta ah marka qandaraaskooda dhaco.
Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah iyo Kevin de Bruyne ayaa ka mid ah ciyaartoyda lagu wado inay noqdaan kuwo xor ah July 2025
Si kastaba ha ahaatee dhowr xiddig oo kale oo caan ah ayaa la filayaa inay raacaan wadadaas sanadka soo socda.
Kylian Mbappe (PSG kuna biiray Real Madrid), Lionel Messi (PSG kuna biiray Inter Miami) iyo Ilkay Gundogan (Barcelona ku biiray Manchester City) ayaa dhamaantood ah xiddigaha ugu saameynta badan ee beeca xorta ah ugu dhaqaaqay dhowrkii sano ee la soo dhaafay kooxahooda.
Waxaana la heli karaa qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, kuwaasoo qandaraaskoodu dhacayo 2026, dhowr kooxood oo Yurub ah ayaa isha ku haya heshiisyadaan waaweyn.
Liiska 16ka xiddig ee beeca xorta ah lagu heli karo 2026.
– Marc Guehi (Crystal Palace)
– Ibrahima Konate (Liverpool)
– Bryan Mbeumo (Brentford)
– John Stones (Man City)
– Rayan Ait-Nouri (Wolves)
– Yves Bissouma (Tottenham)
– Rodrigo Bentancur (Tottenham)
– Takehiro Tomiyasu (Arsenal)
– Ederson (Man City)
– Oleksandr Zinchenko (Arsenal)
– Leandro Trossard (Arsenal
– Lamine Yamal (Barcelona
Dusan Vlahovic (Juventus)
– Theo Hernandez (AC Milan)
– Ademola Lookman (Atalanta)
– Mike Maignan (AC Milan