Kabtanka xulka qaranka England Harry Kane ayaa fursad u heysta inuu ku guuleysto abaalmarinta kabta dahabka ee Euro 2024, kulanka habeenka Axada ka dhacaya magaalada Berlin isagoo ah gooldhaliyaha ugu sareeya, wuxuuna dhaliyay seddex gool wuxuuna abaal marintan kula tartami doonaa weeraryahanka Spain Dani Olmo.
Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay sharci cusub oo uu Harry Kane ku qaadan karo kabta dahabka ah ee Euro 2024 kadib finalka Axada marka ay England la ciyaarto Spain.
seddexda gool – wuxuu ka dhaliyay Denmark, Slovakia iyo Netherlands, inkastoo farsamo ahaan weeraryahanka Spain Dani Olmo uu hogaaminaayo sababtoo ah wuxuu dheeryahay Kane 2 caawin.
Kabtanka England wuxuu la siman yahay lix ciyaaryahan oo sidoo kale seddex gool dhaliyay isaga iyo Olmo, waxaana ka mid ah, weeraryahanka Georgia Georges Mikautadze, Weeraryahanka Holland Cody Gakpo, weeraryahanka Slovakia Ivan Schranz iyo wiilka Jarmalka Jamal Musiala ayaa sidoo kale seddex gool dhaliyay.
Kane iyo Olmo ayaa sidaas darteed ku dagaalami doona kabta dahabka.
Uefa ayaa meesha ka saartay qiimeynta caawinta markay goolashu isku mid yihiin.
Ogoow haddii midkoodna uusan dhalinin gool kulanka Berlin ,UEFA waxay bixin doonta Abaalmarinno badan.
Qaabka caadiga ah ee UEFA, Olmo wuxuu ku guuleysan lahaa abaalmarinta haddii xaaladdu ay ahaan lahayd sidii hore.
Euro 2020, Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah ka dib markii uu dhaliyay shan gool, laakin waxaa la simna gooldhaliyaha Czechia Patrick Schick, laakin sababta Ronaldo kabta dahabka loo siiyay ayaa ahayd inuu sameeyay hal caawin.
Dani Olmo 3 gool ayuu dhaliyay 2 caawina wuu sameeyay, laakin ma caawin doonto caawintiisa.
Haddii Kane uu qaato abaalmarinta, waxay noqon doontaa markii labaad ee uu ku guuleysto kab dahab ah tartan weyn, isagoo sidaas ka sameeyay Koobkii Adduunka 2018.
Saddex jeer ayuu ku guuleystay kabka dahabka ah ee Premier League,
xilli ciyaareedkii hore wuxuu ku guuleystay kabaha dahabka ee Bundesliga iyo Champions League.
Waxa uu sidoo kale ahaa ku guuleystaha kabta dahabka ah ee Yurub, isagoo dhaliyay 44 gool 45 kulan oo uu saftay dhamaan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.