Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid, Eduardo Camavinga, ayaa sheegay sida ay kooxda Los Blancos u wajihi karto Arsenal lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League ee Arbacada.
Wuxuu sheegay in kooxda caasimadda Spain ay u baahan tahay inay la timaado “qaab ciyaareed aad u culus” kulankaas.
Camavinga ayaa sheegay in kooxda uu hogaamiyo Carlo Ancelotti ay tahay inay noqoto heerkeedii ugu sarreeyay maadaama uu rumeysan yahay in ciyaartu noqon doonto mid weyn.
Laacibkan reer France kama qeyb geli doono ciyaarta Arbacada sababo la xiriira kaadhka casaanka ah (laba digniin oo jaalle ah) uu qaatay kadib markii uu kubad si kibir ah u laaday kadib markii garsooruhu seeriga yeeriyay.
Isagoo hadlayay kadib guushii Real Madrid ka gaartay Alavés Axaddii, Camavinga wuxuu yiri: “Waa inaan la nimaadnaa qaab ciyaareed aad u culus. Waa inaan weerarnaa, riixnaa (cadaadis saarno) waxaana u baahan nahay taageerada Madridistas.
“Waxaan si weyn u sugayaa Arbacada – waxaan u baahanahay taageeradiinna oo dhan. Waxay noqon doontaa ciyaar weyn, waxaana u baahan-nahay dhammaan taageerayaasha Real Madrid ee caalamka.”
Dani Ceballos ayaa isna muujiyay rajo ku aaddan sidii looga soo kaban lahaa natiijada adag: “Waxaan u baahan-nahay ciyaartoy si boqolkiiba laba boqol (200%) ah u dagaalama, iyo taageerayaal daacad ah oo aaminsan sidii aan anaguba u aaminsan-nahay. Wadajir ayaa xoogeenna ah.
“Arbacada, waxaan yeelan doonnaa jawi cajiib ah oo ka dhaca Bernabéu si aan u rogno natiijo aad u adag.”