Weeraryahanka Bayern Munich Harry Kane ayaa dhaliyay afar gool si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sarreya ee Ingiriis ah ee Champions League ama taariikhda Koobka Yurub markii ay burburiyeen Dinamo Zagreb.
Afarta gool ee uu dhaliyay Kane seddex ka mid ah wuxuu ahaa rigoore.
Waana goolkiisii 33aad ee Champions League isagoo dhaafay rikoorkii hore ee Wayne Rooney ee 30ka gool.
Kane ayaa sidoo kale dhaliyay goolkiisii 50-aad, 51-aad, 52-aad iyo 53-aad ee Bayern 50-kulan oo uu u saftay kooxda.
Ciyaaryahan kale oo ku dhashay London, garabka France Michael Olise, ayaa labo gool dhaliyay kulankiisii ugu horeysay ee Champions League.
Bayern Munich waa kooxdii ugu horeysay ee sagaal gool dhalisa kulan Champions League ah.
Sane iyo Goretzka ayaa goolasha kale dhaliyay.
Kane ayaa dhaliyay sagaal gool shan kulan oo uu u saftay kooxda Vincent Kompany ee Bayern xilli ciyaareedkan, isagoo sidoo kale dhaliyay seddexley kulankii sabtida ay 6-1 kaga badiyeen Holstein Kiel.