Liverpool ayaa haatan hogaanka u haysa kala saraynta horyaalka Premier League-ga kadib markii ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub qaab ciyaareed fiican.
Imaanshaha Arne Slot ayaa nolosha dib ugu soo celisay kooxda, wax ka maqnaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
15 dhibcood oo ay ka heleen lixdii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan, waxa ay ka sareeyaan kooxaha Manchester City iyo Arsenal ee horyaalka Premier League-ga.
Su’aasha ku saabsan mustaqbalka qaar ka mid ah ciyaartoydooda ayaan wali saameynin xilli ciyaareedkooda.
Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold iyo xiddigo kale oo Liverpool ah ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin oo kooxda ah.
Sida laga soo xigtay The Sun goolhayaha Liverpool Alisson Becker ayaa isha ku haya inuu u dhaqaaqo kooxda Jarmalka ee Bayern Munich.
Waxa ay isha ku hayaan in ay badalaan goolhayaha halyeeyga ah ee Manuel Neuer dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu Alisson ka mid yahay musharixiinta ay u aqoonsadeen booska goolhayaha.
Neuer oo 28 jir ah ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed, waxaana labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay uu soo maray arrimo dhaawac halis ah.
Goolhayaha Jarmalka ayaa kaliya saftay 35 kulan Bundesliga labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay sababo la xiriira taam ahaanshihiisa.
Qandaraaska uu ku joogo garoonka Allianz Arena ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo mustaqbalkiisa hawada sare uu ku jiro, kooxda Jarmalka ayaa Alisson u calaamadeysay bedelka macquulka ah ee Neuer.
Liverpool ayaa xagaagan la soo wareegtay goolhaye Giogi Mamardashvili waxayna amaah ugu dirtay Valencia xilli ciyaareedkan.
Goolhayaha reer Georgia ayaa kooxda iman doona xagaaga soo socda waxana uu kula tartami doonaa booska goolhayaha reer Brazil.
Alisson wuxuu u ahaa adeege cajiib ah Reds, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan Premier League iyo Champions League.
Bixitaankiisa ayaa wax weyn ku noqon doonta Liverpool hadii uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.