Kadib markii uu ku soo wareegay lacag dhan 86 milyan oo gini xagaagii 2022kii, Antony waxa uu ku fashilmay Old Trafford waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo Man United.
Xiddiga reer Brazil ayaa si weyn ugu dhibtoonaya horyaalka Premier League ka dib markii uu dhaliyay kaliya hal gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore 29 kulan oo uu saftay.
Xilli ciyaareedkii ka horeeyay, waxa uu dhaliyay kaliya afar gool oo horyaalka ah 25 kulan oo uu u saftay kooxda.
Ka soo wareegistiisa Ajax ayaa ka farxisay jamaahiirta Man United tan iyo markii uu ciyaartoygu ka soo dhalaalay kooxdii Erik ten Hag ee Ajax, laakiin ka dib markii ay si dhow u arkeen qaab ciyaareedkiisa, jamaahiirta iyo sidoo kale kooxdu waxay u furan yihiin fikradda ah inuu ka tago xagaagan.
Kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr ayaa doonaysa in ay xagaagan la soo wareegto xiddiga Man United Antony maadama ay ku fashilmeen baacsiga xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Raphinha.
Kooxda Premier League ka dhisan ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska fasaxdo 24 jirkaan, kooxda Saudi Pro League ayaana dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan garabka ka ciyaara xagaagan.
Waxa ay kaga soo qaateen Ajax lacag aad u badan balse haatan waxa ay diyaar u yihiin in laacibku uu amaah ugu biiro kooxda Saudi Arabia.
Qaar ka mid ah kuwa ugu magaca weyn ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku biiray Boqortooyada Sacuudiga.
Cristiano Ronaldo, Sadio Mane, Karim Benzema, Roberto Firmino, N’Golo Kante iyo qaar kale oo badan ayaa qaatay ikhtiyaarka ah inay u dhaqaaqaan Bariga Dhexe.
Mushaarka ay bixinayaan kooxaha Sacuudiga ayaa ah mid aad u wanaagsan oo ay diidi karin qaar ka mid ah ciyaartoyda, taasina waxay suuq cusub ka abuurtay Bariga Dhexe.
Kooxaha Saudi Pro League ayaa isha ku haya ciyaartoyda da’da yar xagaagan.
Istaraatiijiyada ay qaateen kooxaha Sacuudiga ayaa madax xanuun ku keentay Man United inkastoo ay saameyn ku yeelatay isku daygii ay ku doonayeen inay Casemiro uga soo dejiyaan Bariga Dhexe.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Man United ay u sheegtay Antony inuu raadiyo koox cusub balse uu dhibaato kala kulmaayo inuu sidaas sameeyo maadaama qaab ciyaareedkiisa uu ahaa mid niyad jab leh.
Waa la arki doonaa sida uu noqon doono mustaqbalka Antony laakiin waxa la dareemayaa in waqtigiisa Man United uu si dhakhso ah u dhamaanayo.