Chelsea ayaa halis helisay inay gadood sameeyaan ciyaartoydooda ka dib markii ay si lama filaan ah u ceyriyeen tababare Mauricio Pochettino, laakiin waxaa warkaan si wanaagsan u soo dhaweeyay mid ka mid ah ciyaartoydooda.
Pochettino oo heystay taageerada inta badan ciyaartoyda Chelsea ayaa 48 saacadood ka dib kulankoodii ugu danbeeyay xilli ciyaareedka loo sheegay inuu ka baxo albaabka Stamford Bridge.
Laakiin waxaa jira hal ciyaaryahan oo ku farxay warkaan islamarkaana soo dhaweeyay in Pochettino uu baxay.
Malang Sarr oo ah daafac dhexe oo Faransiis ah ayaa Chelsea u saxiixay qandaraas shan sannadood ah sannadii 2020kii, waxaana uu like ku boobsiiyay qoraalkii ay kooxda soo dhigtay Instagram ee ay ku xaqiijisay in Pochettino uu baxay.
Sarr oo 25 sanno jir ah ayaa hal sanno ay uga harsan tahay qandaraaskiisa oo uu isbuucii qaato 100 kun ginni, laakiin waxaa kooxda koowaad ka ceyriyay tababare Pochettino uu u arkay inuu dheeri ku yahay ciyaartoyda uu u baahan yahay.
Horaantii sannadkan, The Athletic ayaa sheegtay in Sarr in armaajadiisa qolka labiska ee kooxda koowaad laga qaaday xarunta tababarka Cobham islamarkaana lagu qasbay inuu tababare la qaato ciyaartoyda da’ yarta ee akadeemiga.
Sidoo kale waa loo diiday inuu u ciyaaro kooxda da’ yarta ee U21, marka ay ciyaarayaan waxa uu tababar sameynayay isaga kaligiis ama da’ yarta kale ayuu tababar la sameynayay.
Sarr ayaana ku faraxsan inuu arko in Pochettino kooxda laga diro madaama uu burburiyay waayihiisa ciyaareed ee Chelsea.