Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shandaddiisa kasoo xidh-xidhanaya waddanka Spain oo doonaya inuu dib ugu soo laabto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu ka tegay laba sannadood ka hor.
Garabka weerarka Brazil ee Raphinha ayaa la sheegay in aanu doonayn in uu sii joogo horyaalka Spain ee LaLiga iyo kooxdiisa dhibaatada dhaqaale ku jirta ee xilli-ciyaareedkani uu u dhamaaday iyadoo koob la’aan ah.
27 jirkan oo hore ugu ciyaari jiray Leeds United ayay Barcelona £56 milyan oo Gini ku iibsatay laba sannadood ka hor, waxaana xilli0ciyaareedkan 35 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey sagaal gool iyo 12 kale oo uu caawiye ka noqday.
Bishii January, waxa si weyn loola xidhiidhiyey Tottenham oo ula diyaar ahayd inay ku iibsato £60 milyan oo Euro, taas oo illaa hadda aan joojinin damaceedii ahaa inay hesho laacibkan.
Dhawr kooxood oo Premier League ah ayaa la sheegay in ay doonayaan Raphinha oo kooxdiisa Barcelona aanay ka hor joogsan doonin inuu baxo, sababtoo ah waxa ay doonayaan in lacagta ay ka helaan ay ku iibsadaan garabka weerarka Athletic Bilbao ee Nico Williams oo 21 jir ah.
Nico Williams ayaa xilli-ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa u dhaliyey toddoba gool iyo 16 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu u horseeday inay ku guuleystaan Copa del Rey oo ay ugu dambaysay sannadkii 1984kii.