Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka cadhooday sida ay maamulka kooxdu ula dhaqmayaan tababare Xavi Hernandez oo dhowaan ay ku qasbeen inuu ka laabto go’aan uu ku gaadhay inuu ka tegayo kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan, laakiin haddana ay dhabarka ka toogteen oo ay shaqada ka eryayaan iyagoo ku beddelaya Hansi Flick.
Idaacadda Catalunya Radio ayaa sheegay in Barcelona ay heshiis la gaadhay tababaraha reer Germany ee Hansi Flick oo toddobaadyada soo socda lagu dhawaaqi doono inuu yahay khabiirka hoggaamin doona kooxdan xilli-ciyaareedka dambe.
Arrintan ayaase waxa ay ka cadhaysiisay taageereyaasha oo ku eedeeyey madaxweyne Joan Laporta inuu dhabarka ka toogtay Xavi Hernandez, isla markaana uu u khiyaameeyey sidii uu ku sameeyey Lionel Messi oo kael.
Joan Laporta ayaa la sheegay in uu ka cadhooday waraysi uu dhowaan bixiyey Xavi Hernandez, taasina keenay inuu qaato go’aan ah inuu shaqada ka eryo marka uu dhamaystiro heshiiska Hansi Flick oo toddoba koob u qaaday Bayern Munich oo uu muddo kooban laylinayey, iyadoo sannadkii 2020 uu isku darsaday Champions League, Bundesliga iyo German Cup.
Si kastaba ha ahaatee, saacadihii inna dhaafay waxa baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka haystay dhalliilo loo jeedinayo Joan Laporta.
Mid ka mid ah taageereyaasha Barcelona ayaa soo qoray: “In aad shaydaanka aaminto ayaa ka wanaagsan inaad rumaysato Laporta. Xavi waxa uu aaminay qofkii khiyaameeyey Lionel Messi.”
Taageere kale ayaa isaguna qoraal ku yidhi: “Sidee ayaad ugu qancin kartaa halyeyga kooxdaada in uu joogo isaga oo doonaya inuu tago, kaddib markii uu ku ogolaadayna ay toddobaadyo kaddib erido. Kooxda waxa aad ka dhigtay naadi yar oo aan la aamini karin.”