RB Leipzig waxa ay maraysaa xilli xasaasi ah oo uu hogaamiyo tababare Marco Rose.
Ka dib markii uu ku bilowday xilli ciyaareedka sidii ugu xuneyd, gaar ahaan Champions League oo kooxda Jarmalka laga badiyay dhammaan kulamadii ay ciyaartay, maamulka kooxda ayaa ka fiirsanaya inay isbedel deg deg ah ay sameeyaan.
Magaca Xavi Hernández ayaa ku soo baxay beddelka suurtagalka ah ee tababaraha haatan kooxda ka dhisan Jarmalka.
Macallinka reer Spain oo ka dib waayihiisii Barcelona aan wax shaqo ah qaban, ayaa lagu soo warramayaa inuu ku jiro radar-ka kooxda Leipzig oo dooneysa in ay soo ceshato bandhigeeda tartamada Yurub.
Xaalada tababare Marco Rose ayaa waxaa cakiray natiijooyinkii xumaa ee ka soo baxay tartanka qaarada yurub, taasoo keentay in kooxda ay ka fakirto bedel deg deg ah.
Leipzig ayaa weli ku jirta tartanka Bundesliga, laakiin waxay guul la’aan tahay tartanka Champions League waana halka dhibaatada ugu badan ka jirto.
Guddiga kooxda ayaa aaminsan in isbeddelka falsafada uu noqon karo furaha guusha, Xavi ayaana loo arkaa inuu yahay tababare awood u leh inuu keeno aragti cusub.